.........NEWS

Daafacii hore ee Qaranka Soomaliya Ismaciil Sinigaal oo aad u Amaanay Clubka Elman.


Daaficii canka ka ahaa garoomada kubadda cagta ee dalkeena soomaliya iyo qaaradda afrika Ismaaciil Malaaq Muudey (Sinigal) ayaa sheegey in uusan abid iloobi doonin naadiga Elman ee ka mid ah naadiyada kubadda cagta ee heerka koowaad ee iminka ka jira soomaliya.
Sinigal oo ka hadlaayey Xaflad ay soo agaasimen wasaaradda dhalinyarada iyo sportiga ee dowlada ku meel gaarka ah oo leysugu yeeray dhamaanba ciyaartoydii kala duwaneyd ee beri samaadkii dalka soo martey, waxaa uu hoosta ka xariiqey in Clubka Elman oo kaashanaysa Youth-link ay yihiin kuwa kaliya isku xilqaamay in dib loo xusuusto Xidighii hore ee dalka.
Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay xafladdan waayo waxaa aan maanta indhahaygu qabteen ciyaartoy ay qaarkood iigu danbeysey 10 sanadood iyo ka badan waana u hambalyeeynayaa wasaaradda sportiga ayuu sii raaciyey xiddigii naadigii batroolka ka tirsanaa.
Waxaan mar kasta xusuusnaan doonaa Clubka elmanFc waayo waxaa ay dhulka kasoo qaadey qaar ka tirsan ciyaartoydii hore oo ay shaqo u abuurtey waana lagaga maarmaan inaan maanta goobtaan ka xuso oo aan u mahadceliyo ayuu hadakiisa ku soo gabagabeeyey Sinigal.

HOME | YOUTH | HISTORY | GALLERY | CONTACT
© Copyright 2008 Elmanfc.com All Rights Reserved.
This Site Was Designed By Abdi Hakiim ahmed.