.........NEWS

Guddiga cusub ee Naadiga heerka koowaad ee Elman oo ay ku
jiraan Ciyaartoy hore Iyo taageerayaal

Naadiga heerka koowaad ee Dalkeena Soomaliya ee ElmanFc ayaa waxaa dhowaan loo doortey Guddi cusub oo Hogaamin doona naadigaasi,waxaana Guddiga cusub ku jira Qaar ka tirsan ciyaartoydii Hore ee magaca ku lahaa qeybaha kala duwan ee sportiga dalka.

Waxaa sidoo kale guddiga cusub ku jira Qaar ka tirsan Taagerayaashii Garoomada kala duwan ee dalka Caanka ka ahaa
Gudoonka sare ee naadiga Elman Ayaa waxaa ay sheegeen in Naadigu uu u furanyahay Dhamaan Bahda sportiga soomaliyeed Noocyadooda kala duwan ee aysan keli ku ahayn shaqsiyaad gaar ah.

Waxaana taasi daliil Cad u ah sida aad ka arki karto Magacyadda Guddiga Cusub ee Naadiga.

Magacyadda Guddiga Naadigaasi Elman oo Dhameystiran iyo Xilalkooda

1-Farxaan Cismaan Xasan Gudoomiye
2-C/qaadir Axmed Jaamac G/kuxigeenka koowaad
3-Muxiyadiin Axmed Cosobow G/Kuxigeenka labaad
4-Yuusuf Cali Nuur Xoghaye
5-Cumar Cabdi Aadan Kaaliye Xoghaye

Waxaa sidoo kale isbadal lagu sameeyey xubnaha gudiga fulinta iyadoo la magacaabay xubno cusub kuwaas oo kala ah

1-C/qaadir Maxamuud Ibraahim Xubin Gudiga Fulinta
2-Mustaf Cilmi Afrax Xubin Gudiga Fulinta
3-Amiin Cali Muumin Xubin Gudiga Fulinta
4-Aadan xasan Maxamad (Eenoow) Xubin Gudiga Fulinta
5-Abuukar Ibraahim Macow (Istuufo) Xubin Gudiga Fulinta

Guntii iyo gunaanadkii waxaa gudiga sare ee naadiga isla garteen In boorka naadiga lagu soo kordhiyo xubno cusub s loo balaariyo.
Xubnaha cusub oo aqbalay magacaabidooda ayaa waxay magacyadooda kala yihiin:-

1-Cali Cumar Abuukar (cali Xamari) Xubin Gudiga Boorka
2-Xarbi Axmed Cali Xubin Gudiga Boorka
3-Cali Sheekh Nuur Xubin Gudiga Boorka
4-Dr: Maxamad Yuusuf Xubin Gudiga Boorka

HOME | YOUTH | HISTORY | GALLERY | CONTACT
© Copyright 2008 Elmanfc.com All Rights Reserved.
This Site Was Designed By Abdi Hakiim ahmed.