.........NEWS

Xafladd Qado sharaf ah oo ka dhacdey Xarunta Naadiga Elman ee Muqdisho.

Xaflad qado sharax ah oo loogu tala galey is barasho iyo wada shaqeynta Guddiga iyo Maamulka cusub ee Elman fc iyo Ciyaartoyda ayaa waxaa ay ka dhacdey xarunta naadiga Elman ee Magaalada muqdisho.

Xafladdan oo ay soo agaasimeen Masuuliyiinta Naadiga Elman ayaa waxaa ka soo qeyb galey Maamulka Boorka Elman,Guddiga Fulinta naadiga Elman,Ciyaartoyda Naadiga Elman, Ciyaartoydii hore ee dalka, Taageerayaal iyo marti sharaf kale oo lagu casuumey qado sharaftaasi.

Qadada ka dib ayaa waxa halkasi leysku barey dhamaan guddiga cusub ee naadiga Elman iyo Ciyaartoyda iyo taageerayaasha Naadigasi waxana halkaasi laga soo jeediyey qudbado kala duwan oo la xiriirtey dhiirigelin iyo ka shaqeynta horumarinta sportiga

Xoghaya cusub ee naadiga elman yuusuf Cali Nuur Yuu-cali ayaa ugu horeyn u sharaxay ka qeyb galayaasha hadafla iyo ujeedada laga lahaa Qado sharaftaasi waxaana uu xusey in Isaga shaqsiyan Culeys weyn uu Dhabarka u ritey isla markaana Isku hayo Kabtanimada naadiga iyo Xoghayaha naadiga kana codsadey ka soo qeyb galayaashii in ay Gacan siiyaan.

Gudoomiyaha naadiga Elman Farxaan Cisman Xassan ayaa isna halkasi ka hadley waxaa uuna tibaaxay in Xafladaasi u tahay muhiimad weyn waayo ayuu yiri isbarashadu Ciyaartoyda cusub iyo Maamulka cusuba waa wax lagama maar maan ah.

Farxaan ayaa intaasi ku darey in naadiga Elman iminka ay ku soo biireen ciyaartoy da,yar oo la doonayo in ay galaan Booskii xidigihii soo marey Naadigasi.

Hadafkeena waa inaynu horumarinaa Naadiga oo ay soo mareen Madax naga sii horeysey oo wadada inoo xaartey wuxuuna nadiga iminka ku tallo jiraa Hirgelinta qeybta Accademic ah ayuu raaciyey farxaan oo ka sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee Elmanfc ay soo martey iyo waxa u qorsheysan Mustaqbalka dhow.

Gudoomiye Farxaan ayaa qirey In Elman Fc ay naadiyada kale kaga duwan tahay in Fursad Shaqo ay siiso Ciyaartoyda marka ay garoomada ka baxaan oo ay ciyaaraha ka fariistaan iyaga oo kaashanaya Youth-link.

Waxaa sidoo kale halkasi Ereyo Guubaabo ah ka soo jeediyey Cabdi Sheekh doon (Nageye) oo ka mid ahaa Wariyayaashii idaacaddii Radio Muqdisho iminkana ku jira guddiga ElmanFc, Cali Genney.iyo Tababaraayaasha Naadiga Elman Macalin Cawil iyo qeybta Accademic fara yare waxayna balan qaadeen in ay Dar-dar gelin doonaan Howlaha tababar ee naadiga ElmanFc.

HOME | YOUTH | HISTORY | GALLERY | CONTACT
© Copyright 2008 Elmanfc.com All Rights Reserved.
This Site Was Designed By Abdi Hakiim ahmed.