Guddiga
Olambikada Soomaaliyeed GOS oo Bilad Sharafta Sanadka
IOC Guddoonsiiyay ELMAN
Waxaa xarunta Nabadda iyo Isboortiga
Elman ka dhacday xaflad si weyn loo soo agaasimay kuna
saabsanayd guddoonsiinta Jaa`isadda sanadka ay bixiso
hay`adda Olambikada Adduunka ee I.O.C .

Guddiga Olambikada Soomaaliyeed
ayaa abaalmarintan bilad sharafta ah guddoonsiiyay Xarunta
Nabadda iyo Isboortiga ee ELMAN oo muteystay in sanadkan
la guddoonsiiyo abaal marintan iyadoo abaal marinta
I.O.C ugu talagashay in la guddoonsiiyo shaqsiyaadka
ka ama Hay`adaha qeybqaata horumarinta iyo dhiirigelinta
isboortiga iyo la dagaalanka muqaadaraadka.

Guddoomiyaha XSKG Maxamed Xuurshe
Xasan [Eenoow] ayaa ka hadlay muhiimadda Abaalmarinta
(Trofeo) isagoo sheegay in ay tahay abaalmarin qaali
ah oo dhinaca IOC ay ugu talagasho sanad walba in ay
guddoonsiiyaan shaqsiga sida weyn ugu qeybqaata horumarinta
isboortiga iyo ka hortagga muqaadaraadka wuxuu sheegay
in G.O.S oo la soo mariyay abaalmarinta ay si weyn uga
fakiraan cidda mudan sanadkanna ay noqotay ELMAN.
Sidoo kale waxaa halkaasi hadal
kooban ka soo jeediyay Guddoomiye ku xigeenka GOS Xaaji
Cabdi Cilmi Warsame wuxuuna tibaaxay in ay abaalmarintan
guddoonsiinayaan shaqsigii iyo Hay`addii ka qeybqaata
dhiirigelinta isboortiga sanad walbana ay guddoomayso
ciddii mudan.
”Waxaan soo jeedinayaa in loo tartamo dhiirigelinta
iyo waxqabadka isboortiga Soomaaliyeed , Maanta ELMAN
beri cidii mudata ayaa helaysa.” ayuu ku daray
Xaaji Cabdi.
Madaxa Hay`adda Youth Link ahna
Guddoomiyaha Naadiga ELMAN ayaa uga mahadceliyay abaalmarintan
G.O.S iyo I.O.C wuxuuna tilaamay inay ku dadaali doonaan
mar walba horumarka isboortiga dalka isagoo tibaaxay
isboortiga inuu horseed u yahay nabadda iyo isdhexgalka
bulshada , Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in si
weyn ay uga qeybqaadan doonaan Maalinta Olambikada Adduunka
[Olympic Day] isla markaasna Hay`addiisa ELMAN ay boqolaal
dhallinyaro ugu qeyb qaadan doonaan barnaamijyada lagu
weynaynayo maalintaasi
Ugu danbayn Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee G.O.S Xaaji
Cabdi Cilmi Warsame ayaa abaalmarinta (Trofeo) gacanta
u geliyay Madaxa Hay`adda Youth Link ahna Guddoomiyaha
Naadiga Elman Farxaan Cusmaan Xasan .
Ma`aha markii ugu horeysay oo
ay abaalmarin noocan oo kale ay Guddiga Olambikada Soomaaliyeed
guddoonsiiyaan shirkadaha iyo shaqsiyaadka qeybta weyn
ka qaata horumarinta isboortiga waxaa hore abaalmarino
noocan oo kale la guddoonsiiyay shirkadaha Jubba Airways,Telcom
Somalia iyo Jen. Cabdi Xasan Cawaale {Qeybdiid}, waana
markii afaraad oo ay bixiyaan GOS Trofeo noocan oo kale
ah.
|