.........NEWS

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaaa uga badiyey xulka Kenya 3-1 Kulankaas oo aad u xiiso badanaa ayaa waxaa uu ka dhacay garoonka lagu magacaabo Guuleed ee ku yaala dalka Jabuuti.

kulankaas oo dhexmaray xulka qaranka soomaaliya iyo Kenya , waxaa ay ciyaartu bilaabatay saacadu marka ay ahayd 4:00 galabnimo, iyadoo marti loo ahaa xulka qaranka Soomaaliya oo sanadihii ugu danbeeyey ka dhigatay Jabuuti Guregeeda.

isku soo wada duubee waxay ciyaartu kaambiyada lagu wada nastay o-o balse markii laysku soo wada laabtay waxay xulka qaranka soomaaliya dhigeen wacadaro waxayna soo bandhigeen ciyaar dadka daawanaayey jecleysteen waxaana u saamaxay in ay dhaliso 3 gool 2 kamid ah waxaa dhaliyey Jibriil kan kalana waxaa dhaliyey Shiino, waxayna ciyaartii ku soo gabagaboowday 3-1 oo ay guusha ku raacday xulkeena Soomaaliya.

Ciyaartan ayaa waxay qeyb ka tahay isreebreebka koobka CAF U17 oo lagu qaban doono dalka Rwanda sanadka 2011, waxaana lugta labaad lagu wadaa in labadan xul Somalia iyo Kenya ku ciyaaraan 24-ka bishan magaalada Nairobi maadaama ciyaartu tahay [Home-Away] xulka Somalia ayaa iminka waxaa Hoygooda [Home] u ah dalka Djibouti maadaama dalka Somalia aysan ka jiran nabadgelyo la isku halayn karo.

HOME | YOUTH | HISTORY | GALLERY | CONTACT
© Copyright 2008 Elmanfc.com All Rights Reserved.
This Site Was Designed By Abdi Hakiim ahmed.